Kooxda TPLF oo shuruudo adag ku xirtay aqbalida xabad joojinta Abiy Ahmed

Jabhadda Xoraynta Dadka Tigray ee TPLF, oo sideeddii bilood ee la soo dhaafay dagaal kula jirtay ciidammada dowladda Itoobiya, ayaa waxa ay soo saartay liis dheer oo shuruudo ah oo ay ku aqbalayso xabbad joojinta.

Waxaa ka mid ah in TPLF loo aqoonsado inay tahay dowladda sharciga ah ee gobolka iyo in laga saaro dhammaan ciidammada Eritrea ee ka barbar dagaalamayey kuwa Itoobiya oo weli ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaads

Sidoo kale TPLF ayaa dalbatay in baarayaal caalami ah oo madax bannaan loo saaro dambiyada dagaal ee gobolka Tigray ka dhacay, talaabo adagna laga qaado saraakiisha iyo ciidamada Itoobiya ee ku lug lahaa tacadiyada la geystay.

Arrintan ayaa imanaysaa maalma uun kaddib dagaal culus oo ay soo qaadeen ciidammada Tigray-ga uu horseeday inay dib u qabsadaan gobolka xilli saraakiishii dowladdana ay halkaas isaga baxaeen.

Markaas kaddib ayey mas’uuliyiinta Addis Ababa waxa ay ku dhawaaqeen xabbad joojin hal dhinac ah.

Xeel dheerayaasha siyaasada Itoobiya falanqeeya ayaa waxay sheegayaan inay adag tahay in dowladda Itoobiya aqbasho dalabaadka TPLF ku xirtay xabad joojinta, iyagoo xusay in arrimahaas heshiis looga gaaro karo labada dhinac oo isa soo hor fariista.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -