Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo saaka la wareegtay degaan kaabiga ku haya degmada Guriceel

Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka la wareegtay gacan ku haynta degaanka Afcagaag oo kaabiga ku haya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Al-Shabaab ay gaareen degaankaas saaka aroornimadii si nabadgelyo ah ka dib markii ay isaga baxeen ciidamada Galmudug.

Degaanka Afcagaag oo 16km oo kaliya u jira degmada Guriceel ayaa la sheegayaa in Al-shabaab ay ka taageen calanka madow ee astaanta u ah kooxdaas sida dadka degaanku ay ku soo warameen.

Al-Shabaab ayaa todobaadkii hore sidoo kale la wareegay tuulada Dabarre oo qiyaastii 30Km Guriceel ka baxsan, waxaana arrimahan ay walaac iyo xiisad ka abuureen degmada Guriceel.

Maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin dhaqdhaqaaqyada ay kooxda Al-Shabaab ka wado hareeraha magaalada Guriceel iyo degaano kale oo hoos taga maamulkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Beenaale ku tilmaamay Madaxweynihiisa oo la xiray iyo Hadal heyn ka dhalatay !

Cabdi Cade

Xildhibaan isaga oo cabsan gaari kaxeeyay oo is casilay raaligelina bixiyay

Cabdi Cade

Dhaqtar katirsanaa kooxda Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---