Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo iska dhex doortay guddoon KMG ah

Kulan ay maanta yeesheen guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa iska dhex doortay Gudoomiye cusub  oo uu ku soo baxay Muuse Geelle Yuusuf kaasoo noqonaya Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee guddiga.

Guddoonkan cusub ee ku meel gaarka ah ayaa hawshiisu tahay qabanqaabada iyo qabashada gudoonka guddiga Qaran ee hagaya doorashada.

Sidoo kale, Gudoomiyaha ayaa dhisay guddi ka kooban shan(5) xubnood oo qabanaya doorashada gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka oo dhici doonta maalinta Axadda ee ku beegan 4-July-2021.

Guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro ayaa si rasmi madasha shirka isaga casilay xilkii hore, isagoona ku wareejiyey gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee cusub.

Soomaaliya ayaa dhowaan waxaa ka bilaabanaya doorashada labada aqal ee Baarlamanka iyo madaxweynaha oo ugu dambeyn la soo gebagebeynayo 10-ka October ee sanadkan sida qorshuhu yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo War kasoo saartay Xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland

admin

Soomaaliya iyo Azerbijian oo kala saxiixday heshiis dhinaca amniga ah

Cabdi Cade

Donald Trump oo laga cabsi qabo in uu ka shifo Sir Muhiim ah marka uu baneeyo Aqalka Cad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---