Taliska Booliska Somalia oo beeniyey Warar lagu faafiyey baraha bulshada

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo beeniyay warar sheegaya in la weeraray mid ka mid ah idaacadaha ku yaala Muqdisho.

Qoraal uu soo saaray afhayeenka ayaa u qornaa sidatan:-

Waxaa na soo gaaray in Ciidamo weerareen oo ay gudaha u galeen xireena Idaacada Bandhiga oo ku taala Degmada Xamar-Jabab.

Dabagal iyo Xog uruurin ka dib ayeey noo cadaatay, in aysan jirin wax weerar ah oo loo geystay Idaacada Bandhiga. Balse, ay tahay kiis madani ah oo ay qasab tahay in ay Idaacadu gar baxdo. Maadaama, ay leedahay shaqsiyad qaanuuneed.

Waxaa jirta  u yeerid iyo Baaris ay amartay Xeer-ilaalintu, bacdamaa maamulka idaacada Bandhigu ay dhagaha ka fureysteen u yeerista, isla markaana, uu jiro muwaadin Soomaaliyeed oo hantidiisa lagu tagri falay.

Maamulkii ayaa hada ku sugan saldhig Boliis, mana jirto wax dhib ah oo loo geystay iyaga iyo hantidooda.

Waxaan ummadda u cadeynaynaa in sharciga loo siman yahay, cid kasta ee la soo dacweeyana xaq loogu leeyahay inay gar baxdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -