Somaliland oo fasaxday shirkad duulimaad oo fulisay amar ka soo baxay dowlada Somalia

Somaliland ayaa fasaxday Shirkadda Dayuuradaha ee Fly Dubai oo ay sanadkii hore ka joojisay duulimaadyadii ay ka sameyn jirtay magaalada Hargeysa.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Somaliland, Cumar Saciid ayaa sheegay in Fly Dubai ay mar kale soo buuxisay shuruudihii sababay in la joojiyo duulimaadyadii ay ka sameyn jirtay Somaliland.

Cumar Saciid ayaa xusay in dayuuraddaha ka shaqeeya Somaliland ay qaadan karaan Amarka Somaliland oo kaliya.

Faahfaahin kama bixin masuulkan shuruudaha shirkadu buuxisay waxa ay yihiin, hase ahaatee Somaliland ayaa horey u soo saartay amar ay ku mamnuucayso shirkadaas ka dib markii ay fulisay amar kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya, kaasoo lagy joojiyey duulimaadyada caalamiga ah sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -