Madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo Wadahadalo hoose yeeshay (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay howga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay ku booqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabsicasiis Lafta Gareen.

Labada Madaxweyne ayaa salaan iyo iska warqaadid kadib yeeshay kulan gaar ah ay uga wada hadlayeen xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan shirka wadatashiga ee Muqdisho uga furmay dowlada iyo Madaxda Dowlad goboleedyada.

Xubno ku dhaw dhaw Madaxda maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa laga soo xigtay in labada Madaxweyne kawada hadleen qaar kamid ah qodobada diirada lagu saarayo shirka ka furmay Muqdisho.

Shirka Wadatashiga ee ka furmay Muqdisho ayaa warar soo baxaya sheegayaan in laga yaabo in wax ka badal lagu sameeyo qodobo kamid ahaa heshiiskii 17-kii September horey loo gaaray , waxaana la filayaa in gabo gabada shirka socda war murtiyeed laga soo saaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -