Isbadal ku yimid Muuqaalka Kim Jong Un iyo Walaac laga muujiyay (Daawo Sawirro)

Muuqaalka Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa isbadal ku yimid, waxa ayna taasi dhalisay hadal heyn badan iyo in walaac ka muujiyaan dadka taageersan Hogaamiyahaasi ee kunool gudaha Waqooyiga Kuuriya.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sawir laga qaaday laga arkayay isbadal ku yimid jirkiisa gaar ahaan dhinaca miisaankiisa, waxaana dad badan isweediinayaan waxa sababay in uu wax iska bedelo muuqaalka ama culeeska Kim Jong Un.

Telefishinka qaranka Kuuriyada Waqooyi ayaa wareysi uu ka qaaday nin degan magaalada Pyongyang oo shaqsiyadiisa qariyay, waxa uuna u sheegay Tv-ga in ay shacab ahaan ka walacsan yihiin miisaanka hogaamiyahooda oo is dhimay .

“Dadka, oo aan aniga ka mid ahay, waxay intooda badan ka naxeen markii aan aragnay Xoghayaha Guud ee xushmadda loo hayo (cinwaanka rasmiga ah ee Kim Jong Un) oo caato ah … qof walba wuxuu sheegay inay arrintaas ka ilmeysiisay” ayuu yiri qofkan wareysigiisa laga daayay Telefishinka Qaranka Kuuriyada Waqooyi.

Kim Jong Un, ayaa warbaahinta Kuuriyada Waqooyi laga arkayay isaga oo muuqaal ahaan is bedelay uuna yaraaday miisaankiisa, mana sheegin dowlada sababta keentay isbadalka ku yimid Hogaamiyahooda in ay tahay mid caafimaad ama mid kale.

Xaalada caafimaad ee hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa ah mid si weyn loola socdo, waxaana aad u adag in wax badan laga ogaado xaalada uu ku jiro hogaamiyahan mayalka adag oo si weyn loo ilaaliyo in banaanka u baxaan xogihiisa gaarka ah iyo mida Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -