RW Khayre oo dhalinyarada Dhuusamareeb kala qeyb galay Orod jimicsi ah (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqday garoonka kubbadda Cagta Dhuusamareeb (Dhuusamareeb Stadium) oo ay ku sugnaayeen boqollaal dhalinyaro ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la jimicsaday dhallinyarada garoonka ku sugnaa waqtina la qaatay ayaa ka xog wareystay baahiyada ay qabaan, waxa ayna dhallinyadu u sheegeen inay u baahanyihiin in horumariyo garoonka si dhallinyarada leh hibada iyo hammiga sare ee ciyaaraha ay u helaan fursad wanaagan.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa markii uu dhagaystay uuna xaqiiqsaday in ay muhiim tahay in wax laga qabto baahida garoonka ayaa faray wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye, in la daboolo baahiyaha ay dhallinyaradu usoo gudbiyeen, si ay qayb wanaagsan uga qaadato is-dhexgalka bulshada.

Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha oo fulinaysa amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhallinyarada u sheegtay in roog cagaaran loo dhigayo garoonka si uu u noqdo garoon ku haboon ku ciyaaridda kubbadda Cagta.

Tubta Horumarinta arrimaha bulshada oo qayb ka ah afar tub qaran ee shaqo howleedka xukuumadda lagu saleeyay ayaa halbeegyada ugu waawayn waxaa ku jira wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan dhallinyarada Soomaaliyeed oo tirada ugu badan ka ah bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -