Hogaanka Ahlu Sunna oo Shuruudo adag hor dhigay Kheyre iyo Wararkii U Dambeeyay

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Dhuusomareeb ayaa kulamo la qaatay Hogaanka Ahlu Sunna si xal looga gaaro muranka ka dhashay Xildhibaanada ay ku yeelanayaan Galmudug.

Kulamo kala duwan oo waqti badan qaatay ayaa Ra’isul Wasaare Kheyre kala hadlay hogaanka Ahlu Sunna sidii loo sixi lahaa saami qeybsiga beelaha 20-ka Xildhibaan ee laga siiyay Baarlamaanka labaad ee Galmudug.

Sida aan wararka ku heleyno Hogaanka Ahlu Sunna ayaa ku dhegan liiska 20-kii Xildhibaan ay horey usoo xuleen, waxa ayna Hogaanka Ahlu Sunna sheegeen in aysan ka laabaneyn Xildhibaanadan ayna yihiin kuwa ay ku kalsoon yhiin.

Waxa ay Hogaanka Ahlu Sunna hordhigeen Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Wasiirka arimaha gudaha Shuruudo adag hadii dib looga laabanayo Xildhibaanada ay soo xuleen, waxa ayna uu cadeeyeen in mar kale aysan qaadi doonin masuuliyada hadii wax qaldamaan.

Hogaanka Ahlu Sunna ayaa sidoo kale shuruudo uga dhigay Kheyre iyo Wasiirka arimaha gudaha in iyagu dooranayaan Xildhibaanada iyo sidoo kale sida ay beelaha uga xulanayaan hadii ayba dhacdo in laga laabto liiskii hore wax faro galin ahna aysan raali ka noqoneyn.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in Ra’isul Wasaaraha iyo Wasiirka arimaha gudaha wadaan kulamo ay la qaadanayaan Odayaasha cabashada ka qaba Xildhibaanada Ahlu Sunna qaadatay si ay ugu qanciyaan in Ahlu Sunna loo dhaafo xubnaha ay ka qaadatay.

Odayaasha ayaa la sheegay in loo sameenayo balan qaadyo kale si looga gudbo xiisada hada taagan oo dib u dhigtay ku dhawaaqista Xildhibaanada Galmudug iyo doorashada hogaanka Galmudug.

Dowlada federaalka ayaa ka cabsi qabta in hadana khilaaf iyo xiisad kale ka dhalato hadii dib loogu laabto Xildhibaanadii Ahlu Sunna soo xulatay, waxaana suurto gal ah in beelo hada qanacsan iyana bilaabaan buuq siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -