Soomaaligii ugu horeeyey oo ka mid noqday Xildhibaanada Baarlamanka Finland

Suldaan Saciid Axmed ayaa loo doortay inuu ka mid noqdo Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Finland.

Wuxuu noqonayaa Soomaaligii ugu horreeyay ee ka mid noqda Baarlamanka dalkaas, isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilkan

“Shaqo badan ayaa inoo taalla sidii aan uga shaqeyn lahayn Finland ka fiican sida ay hadda tahay,” ayuu yiri Axmed.

Wuxuu sheegay inuu ku farxsan yahay inuu noqdo qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xilkaasi qabta tusaale lagu daydana u noqdo dhallinyarada.

Suldaanka ayaa buuxinaya booska uu baneynayo Xildhibaan Paavo Arhinmäki oo loo doortay ku-xigeenka duqa magaalada Helsinki ee caassimada Finland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -