Al Shabaab oo Fagaare ku toogatay 6 ruux oo haweeney ku jirto (Akhriso Magacyada)

Al Shabaab ayaa fagaare kuyaala degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe ku toogtay lix ruux ay ku jirto haweeney kuwaa ay ku eedeeyeen falal basaasnimo ah.

Fagaaraha xukunka dilka ah ka dhacayay waxaa ku sugnaa dadweyne badan oo usoo daawasho tagay qaabka dilku u dhacayay, waxaa sidoo kale fagaaraha ku sugnaa saraakiil katirsan Al Shabaab.

Qaadiga Maxkamada Al Shabaab ayaa ku eedeeyay lixda ruux ee xukunka dilka ah lagu fuliyay ahaayeen jawaasiis u shaqeysa Sirdoonka Mareykanka kana dambeeyeen duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barow .

Dadkan Al-Shabaab fagaaraha ku toogteen oo Dhalinyaro u badnaa ayaa waxaa Magacyadooda kala yihiin.

1- Cumar Cabdulqaadir Hiiraale

2- Cabdi Xasan Axmed.

3- Ibraahim Cumar Cali

4- Sadaam Cusmaan Maxamed

5-Aweys Xasan Xaaji

6- Fartuun Cumar Abkow.

Xukunkan dilka ah Al Shabaab ku fuliyeen lixdan ruux ayaa kusoo aadaya xili shalay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo fagaare kuyaala maamulka Puntland ku toogteen 18 ruux oo lagu eedeeyay in Al Shabaan ka tirsanaayeen.

- Advertisement -