Shirka Wadatashiga Qaran oo goordhaw furmay iyo Qodobada diirada lagu saarayo (Sawirro)

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay isugu yimaadeen Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad goboleedyada.
 
Shirka furmay waxaa guddoominaya Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble , waxaa shirkan looga hadlayaa dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May ee hannaanka doorashooyinka dalka.
 
Sida aan wararka ku heknay Shirka furmay ayaa madaxda kaga tashanayaan waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii horey loo gaaray iyo sidoo kale in wax ka bedel lagu sameeyo qodabadii kasoo baxay shirkii 17-kii September.
 
Qodobada laga yaabo in madaxda ka doodaan ayna wax ka bedel ku sameeyaan ayaa waxaa kamid ah in doorashada lagu qabto mid hal magaalo halka markii hore lagu heshiiyay labo magaalo iyo in sidoo kale la yareeyo ergada Xildhibaanada dooraneysa.
 
Shirkan ayaana falan qeyb dheer iyo dood kadib la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ku xusan qodobada ay ku heshiiyaan madaxda Shirka u socdo, waxaana laga yaabaa in wax ka bedel lagu sameeyo qodobadii horey loogu heshiiyay qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -