Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Madaxweyne Qoor-qoor iyo wafdi uu horkacayo oo galabta soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdishu.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey Wasiiro, xildhibaano iyo qeybaha bulshada.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka Shirka Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Madaxda dowlada goboleedyada K/Galbeed, Jubbaland iyo Puntland ayaa horey ugu sugnaa  magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirkaas, waxaana weli la sugayaa madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo si weyn loogu soo dhaweeyay Jigjiga kaddib heshiis Adis Ababa (Sawirro)

Cabdi Cade

Soomaali 64 Sanno jir ah oo dil ka geestay Dalka Canada iyo Booliiska oo qabtay

Cabdi Cade

Daawo:-Guusha Soomaaliya iyo Gudoominta shirka 75-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---