Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo si weyn loogu soo dhaweeyay Jigjiga kaddib heshiis Adis Ababa (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka  Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaamimayey oo maalmahan ku sugnaa magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka  Ethiopia ayaa goordhaw gaarayMagaaladda Jig-jiga ee dawlad deegaanka Soomaalida.

Garoonka diyaaradaha magaalada Jigjiga waxaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha Somaliland iyo wafdigiisa madaxweynaha dowlad deegaanka Mustafa Cagjar iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweynaha Somaliland ayaana la filayaa in uu kala hadlo madaxweyne Mustafa Cagjar arrimo kala duwan ay uga horeeyaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac u dhaxeeya, waxa ay sidoo kale kawada hadli doonaan heshiiskii ka dhacay Asis Ababa.

Safarka madaxweynaha Somaliland ku tagay magaalada Jigjiga ayaa imaanaya xilli labo maalin kahor magaalada Adis Ababa ku saxiixay heshiis uu dowladda Itoobiya ku siinayo 20-km oo kamid ah biyaha badda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Rooble oo kahor yimid Dalabka Musharaxiinta Amar cusubna bixiyay

Cabdi Cade

Muxuu Cali Guudlaawe kala hadlay Guddiga Doorashada Hirshabelle? (Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo weeraro aargudasho ka fuliyey dalalka Ciraaq iyo Siiriya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---