Allbanaadir.com
NEWS

Dhismaha Xarunta KMG ee Baarlamanka Somalia oo ka bilowday Muqdisho (daawo Sawirro)

Waxaa maanta si rasmi ah u bilowday dhismaha Xarunta KMG ee golaha shacabka uu ku sii shaqeynayo inta laga dhisayo Xarunta weyn ee golaha shacabka

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa si rasmi ah u daah furay dhismaha lagu sameynayo xarunta KMG ee Golaha shacabka ku sii shaqeynayo.

Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay howl wadeenada iyo Injineerada loo xil saaray dhismaha xaruntan in ay waqtiga loogu tala galay ku dhameeyaan dhismaha.

Xarunta maanta dhismaha lagu bilaabay ayaa ah Xarunta Villa Hargeysa waxa ayna noqoneysaa xarunta KMG ee golaha shacabka.

Marka la dhameeyo dhismaha xaruntan ayaa Xildhibaanada golaha shacabka waxa ay u soo wareegayaan xaruntan waxaana dhismo lagu bilaabaya xarunta weyn ee golaha shacabka, waxaana ku baxaya malaayiin dollar oo ay bixineyso dowlada Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaair.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Denmark oo ansixisay sharci cusub oo ka dhan ah soo galootiga

Caydiid Ali

Madaxda dowlad goboleedyada dalka oo ku so jeeda Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Musharaxiinta Jubbaland oo wadooyin Xirtay & beel degta Galmuudg oo shuruud la timid

admin
Taboola Ads ---