Madaxweyne Qoor Qoor oo magacaabay Garsoorayaal tiro badan (Akhriso Magacyada)

Wareegto goordhaw kasoo baxday Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa lagu  magacaabay Garsoorayaal cusub ay yeelanayaan maxkamadaha kala duwan ee Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Wareegtada uu soo saaray ku magacaabay garsoorayaal ay yeelanayaan Maxkamada sare ee Galmudug, Maxkamadaha racfaanka Gobolada Galgaduud iyo Mudug iyo kuwa kale.

Halkan ka Akhriso Wareegatada Qoor Qoor kasoo baxday

Dikreeto. 26ka-Juun-2021
 
Magacabid Garsoorayaasha Galmudug
Madaxweynaha Dowladda Galmudug
 
Markuu Arkay: Qodobka 50aad farqaddiisa 5aad ee Dastuurka Dowladda Galmudug;
 
Markuu arkay: Qod: 6aad ee Dastuurka DGGM, ee qeexaya sarreynta sharciga;.
 
Markuu arkay: Qod:18aad ee Dastuurka DGGM, ee qeexaya dhowrista xuquuqda eedeysanaha;.
 
Markuu garowsadey: Baahida loo qabo dhameystirka hay’adda garsoorka GM.;
 
Markuu tixgeliyay soo jeedinta: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug;.
 
Markuu la tashaday: Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug;
 
Wuxuu soo saaray xeerkan:
Qodobka 1aad:
 
Wuxuu Magacaabay Garsoorayaasha hoos ku xusan:
Maxkamadda Sare ee Galmudug:
 
1. Mahdi Cabdullaahi Macalin Nuur- Garsoore
2. Cabdullahi Cabdiqani Sh Yuusuf- Garsoore
3. Maxamed C/llahi Ilbir- Garsoore
 
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud:
 
1. Cabdullahi Axmed Cali -Gudomiye
2. Cabdiraxman Xasan Cali -Garsoore
3. Cabdirisaaq Cabdulle Xasan – Garsoore
 
Maxkamadda Gobolka Galgaduud:
 
1. Cismaan Cali Maxamed – Guddoomiye
2. Axmed Salaad Kulane – Garsoore
3. Cabdirisaaq Bashiir Sh. Ciise —Garsoore
 
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Mudug:
 
1. Nuur Cali Culusow – Garsoore
2. Maxamuud Cabdi Cabdulle -Garsoore
 
Maxkamadda Gobolka Mudug:
 
1. Xuseen Aadan Axmed -Garsoore
2. Cabdullahi Cabdiraxmaan Maxamed – Garsoore
 
Maxkamadda Degmada Hobyo:
 
1. Shaafici Cali Aadan – Guddoomiye
2. Xirsi Maxamuud Xalane – Garsoore
 
Maxkamadda Guriceel:
 
1. Maxamuud Jimcaale Xalaned – Guddoomiye
2. Cabdirisaaq Diiriye Faarax -Garsoore
 
Maxkamadda Degmada Cadaado:
 
1. Cabdicasiis Ciise Cali – Guddoomiye
2. Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamuud -Garsoore
 
Maxkamadda Degmada Balanbal:
 
1. Xuseen Cabdullaahi Yuusuf – Guddoomiye
2. Axmed Aadan Cilmi – Garsoore
 
Maxkamadda Degmada Cabudwaq:
 
1. Yuusuf Cumar Maxamed – Guddoomiye
2. Ibrahim Yusuf Maxamuud – Garsoore
 
Maxkamadda Xeraale:
 
1. Shariif Ciise Maxamed – Guddoomiye
2. Cabdiqaadir Cabdullaahi Maxamed – Garsoore
 
Qodobka 2aad:
1. Waxaa lafarayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee Dowladda Galmudug, in ay la shaqeeyaan garsoorayaasha Cusub ee la Magacaabay, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.
 
Qodobka 3aad:
 
1. Xeerkaan waxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Madaxwaynaha Dowladda Galmudug. Waa uuna saxiixay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -