Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Ubax Maamuus ah dhigay Taalada Dhagax-tuur (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halgameyaashii Soomaaliyeed ee naftooda iyo dhiiggooda u huray Xorriyadda Gobollada Waqooyi iyo guud ahaan halgankii gobannimo doonka ee Dalka ayaa ubax dhigay taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo tilmaamay halgankii adkaa ee loo soo maray madax-bannaanida Dalka ayaa xusay in Taallada Dhadax-tuur ay tahay astaan u taagan xusuusaha lama illaawaanka ah ee halgankii loo soo galay gobannimada, waxa uuna dul istaagay caqabadihii ay la kulmeen halyeeyadii Soomaaliyeed ee inoo horseeday xorriyadda, qarannimada iyo gobannimada dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo muujinaya sharafta iyo qiimaha ay inaga mudan yihiin geesiyaashii Soomaaliyeed ee u soo halgamay Xorriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay midnimada, waddaniyadda, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si loo xaqiijiyo dhaxalkii ay ka tageen ee ilaalinta gobannimadeenna.

Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada Dhagax-tuur waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro ka tirsan XFS, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo si mug leh u maamuusayey halyeeyadii u shahiiday gobanimadeenna.

Related posts

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo soo dhaweyntiisa saf dheer maanta loo galay (Sawirro)

Cabdi Cade

Diyaarad Ruushka laga leeyahay oo lagu weeraray Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Axmed Maxamed Almuwallad (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---