Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo goordhaw soo gaaray Muqdisho laguna soo dhaweeyay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane  Ahmed Mohamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wefdi uu hogaaminayay ayaa goordhaw soo gaaray Magaalada Muqdisho.
 
 Wafdiga Axmed Madoobe oo ka kooban labada gole ee maamulka Jubbaland waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
 
Axmed Madoobe ayaa Magaalada Muqdisho u yimid kaga qeybgalka shirka uu iclaamiyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ay yeelanayaan masuuliyiinta madasha wadatashiga qaran ee arimaha Doorashooyinka.
 
Madaxda maamulada Galmudug, Puntland iyo Hirshabelle ayaa iyana la filayaa in saacadaha soo socda soo gaaraan magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirka Watashiga ay yeelanayaan Madaxda dowlada goboleedyada iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo ka soo muuqday Maxkamad ku taalla Magaalada New York (Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Iimaan oo xariga ka jaray Wado kutaala Muqdisho oo si qurux badan loo dhisay (Sawirro)

Cabdi Cade

RW Ku xigeenka & wafdi uu horkacayo oo Baydhabo gaaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---