Madaxweyne Cali Guudlaawe oo soo dhaweyntiisa saf dheer maanta loo galay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, kaddib markii doorashada gollaha Shacabka lagu soo gabagabeeyay Jowhar .
 
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabelle Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka federaal, masuuliyiin, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
 
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa magaalada Muqdisho u yimid doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee la filayo in isbuuca dambe dhacdo, waxa uuna Cali Guudlaawe u ololeyn doonaa musharaxiin uu si gaar ah u wato.
 
Muqdisho waxaa hada ku sugan Afar kamid ah Madaxda dowlad goboleedyada dalka uu ku jiro Siciid Deni oo ah Musharax Madaxweyne, halka madaxda kale iyana dhisayaan musharaxiin ay si gaar ah u wataan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -