Booliiska Jarmalka oo Faah faahin ka bixiyay Weerar dalkaasi ka geestay nin Soomaali ah

Boliska Jarmalka waxay faahfaahin kooban ka bixiyeen Ninka Soomaaliga ee weerarka Tooreyda ka geystay Barxadda Barbarossaplatz ee ku taalla bartamaha magaalladda Würzburg ee Gobalka Bavarian ee Koonfurta dalkaasi.
 
Weerarkaasi waxaa lag dilay 3 qof, halka 5 kalena al dhaawacay, kuwaasi oo qaar ka mid ah xaalladooda aad u liidato iyo kuwo aan badbaadi doonin, sida laga soo xigtay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Gobalka Bavaria, Joachim Herrmann.
 
Warbaahinta Maxaliga ee Jarmalka waxay soo weriyeen inuu Eedeysanaha Toorayda ku baacsaday dad lugeynayey goobta uu weerarka ka geystay.
 
Warbaahinta Jamalka ee lagu magacaabo Bayerische Rundfunk waxay sheegtay in Boliska lagu soo wargeliyey weerarkaasi qiyaastii 5-tii galabnimo ee shalay ee xilliga dalkaasi.
 
Boliska waxaa la sheegay inay Eedeysanaha hal xabbad kaga dhufteen Lugta, kadibna ay qaadeen Tooreeydii uu watay, baarayaasha Boliska waxay baaritaano ku hayaan sababaha macquulka ah ee ka dambeeyey weerarkaasi.
 
Barta Twitter-ka ee Ciiddanka Boliska ee dalka Jarmalka waxaa lagu shaaciyey in Eedeysanaha weerarkaasi geystay ay da’diisu tahay 24-jir ku noolaa magaalladda Würzburg ee Koonfurta dalkaasi.
 
Eedeysanaha oo aan weli magaciisa la shaacinin waxaa uu magaalladda Würzburg ku noolaa tan iyo sanadkii 2015-kii.
 
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Gobalka Bavaria ee Koonfurta Jarmalka, Joachim Herrmann waxa uu tilmaamay in Eedeysanaha la siinayey Daryeelka Caafimaadka ee Dhimirka, waa sida uu hadalka u dhigay.
 
Waxa uu sii raaciyey inuu Eedeysnaha muujinayey dareen ficilo colaado rabshado leh ama uu u diyaar garoobayey falalkaasi dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.
W/T Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -