Muuse Biixi oo Is barbar dhig ku sameeyay Soomaaliya iyo Somaliland (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 26-ka Juun oo aheyd markii ay gobolada Waqooyi ee Somaliland xuriyada ka qaateen gumeestihii Ingiriiska ayaa is barbar dhig ku sameeyay isbadaladii ka dhacay Soomaaliya iyo Somaliland.
Muuse Biixi ayaa sheegay markii ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale guulo waa weyn gaareen, waxa uuna xusay in sadex Madaxweyne isbadaleen sidoo kale doorashooyin dadweyne ka dhaceen Somaliland oo lagu doortay golle guurti iyo kuwa deegaan.
Waxa uu sheegay Muuse Biixi in Somaliland intii iyagu ka dhacayeen doorashooyinka iyo isbadalada in dhanka Soomaaliya kolba mar shir u qabanayeen dowlado shisheeye ayna doortaan Baarlmaankooda iyo madaxdooda dad fara kutiris uu ku tilmaamay.
,“Muddadaa aynnu jirnay waxaynu ku guulaysannay, markii horena Toddoba doorasho, saddex madaxweyne ayaa isku beddelay si nabadgelyo ah oo qof iyo cod ah, laba gole oo Baarlamaan baa isu beddelay, laba gole deegaan baa doorasho nabadgelyo ah isku beddelay, waana Ilaahay mahaddii, intaynu Toddobadaa doorasho gelaynay soddonkaas sanno, Soomaaliya, iska daa doorasho’e waxa loogu taag la’yahay kolba shir ay u qabato dawlad shisheeye oo lagu soo magacaabo dad faro-ku-tiris ahi inay madaxweyne iyo Baarlamaan doortaan.”
 
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale sheegay in dawladda Soomaaliya dagaal qaawan kusoo qaadday Somaliland, dhinaca dhaqaalahana cunoqabatayn ka saartay, islamarkaana ay dagaal kale ka gashay horumarka Somaliland usoo kordha oo ay safka hore kaga jirto ballaadhinta dekedda Berbera.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -