Ra’isul Wasaare Rooble oo kulan sagootin ah la qaatay Mr Erik lundberg (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan sagootin ah la yeeshay safiirka sii baxaya ee Finland u jooga dalka Soomaaliya Mr Erik lundberg.

Maxamed Xuseen Rooble oo safiirka Finlad kusoo dhaweeyay Xafiiskiisa ayaa  uga mahadceliyay kaalintiisii xoojinta xiriirka labada dal iyo doorka dowladda Finland ee dowlad dhiska Soomaaliya.

Safiirka dowlada Finland u joogay Soomaaliya Mr Erik lundberg, ayaa hada kasii tagaya shaqadii uu u joogay Soomaaliya, waxaana la filayaa in dowlada Finland safiir kale oo bedelaya kan hada waqtigiisa dhamaaday soo magacawdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -