Allbanaadir.com
MUUQAALONEWSSOMALILAND

Madaxweyne Biixi & wafdi uu horkacayo oo gaaray Magaalada Berbera (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo uga baxay caasimadda Hargeysa, ayaa maanta gaadhay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera.

Madaxweynaha iyo xubnaha wefdiga ah ee la socda  ayaa  waxa  si diirran u soo dhaweeyey  madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, siyaasiyiin iyo madax kale.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa furay shirweynaha horumarinta beeraha Somaliland oo socon doona dhawr maalmood.

Shirweynahan ayaa lagaga doodi doona muhiimdda ay leedahay kor u qaadista wax-soosaarka beeraha iyo tayeynta beeralayda yar-yar oo soo kordhin doona isku-filnaansho dhanka cuntada ah oo uu qaranku gaadho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo si weyn loogu soo dhaweeyay Gaalkacyo (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo gaaray Dubai & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa (Sawirro)

Caydiid Ali

Sargaal katirsan Booliiska Canada oo loo heesto dilka Muwaadin Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---