Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada AMISOM oo saldhig muhiim ah ku wareejiyey kuwa Xoogga dalka (Sawirro)

Ciidamada AMISOM, ayaa maanta ku wareejiyey ciidanka xoogga dalka saldhigga Maryan Gubaay ee gobolka Shabeellaha Hoose, kasoo maalmo ka hor Al-sheegtay iney qabsatay.

Wixii hadda ka danbeeya ammaanka saldhigani waxaa sugi doona ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Soomaaliya

Xafladan kala wareejinta saldhiga, ayaa waxaa kasoo qeyb galey guddoomiyaha gobolka ShabeelahaHoose Cabdulqaadir Siidii, iyo guddoomiyaha degmada Baraawe oo ah halka uu ku yaallo saldhigani.

Ciidanka xoogga dalka ayaa maalmihii uggu danbeeyey ka wada dhaqdhaqaaqyo balaaran gobolada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaalya, iyagoo dagaalo badan la galay Al-Shabaab.

Ciidamada AMISOM ayaa qorsheynaya iney ka baxaan dalka iyagoo awooda si  qeyb qeyb ugu wareejinaya ciidamada xoogga dalka oo weli ku jira xaalad dib u dhis ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/efy__7pGtqc

Related posts

Kulan dexmaray Axmed Madoobe & taliyaha AMISOM oo faahfaahin laga bixiyey

Caydiid Ali

Somalia oo ka mid noqotay Isbaheysi cusub oo 8 dal ay ku Midoobeen (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliye Biixi: “Waxaan dejiney qorshe ka dhan ah weerarada Al-shabaab ee xeryaha ciidanka”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---