Askari ka tirsan ciidamada Kumandoska Gorgor oo caawa lagu dilay Muqdisho

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa caawa ku dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho askari ka tirsan ciidanka Kumandoska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor.

Dable Maxamed Cali Yarami ayaa waxaa rasaas ku furay rag bastoolado ku hubeysan xili uu ka soo baxay masaajid, kuna sii jeeday hoygiisa oo ku yaalla degmada Wadajir.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in raggii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, iyadoo marxuumkana uu isla goobtaas ku qurbaxay.

Askarigan ayaa ka mid ahaa ciidamada ugu firfircoon Kumandoska Gorgor ee lagu soo tababaray dalka Turkiga sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidankaas.

Laamaha amaanka DF ayaan weli ka hadlin dilka caawa Muqdisho loogu geystay askarigan oo ku soo beegmay xili mudooyinkan ay hoos u dhaceen dilalkii badnaa ee loo geysan jiray askarta iyo dadka kale ee la shaqeeya DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -