Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Turkiga oo ku guuleestay Tijaabinta Gantaal casri ah oo burburin kara Maraakiibta

Dowlada Turkiga ayaa dadaal badan kadib ku guuleesatay in ay sameesato Gantaal casri ah oo loogu tala galay in uu bur buriyo maraakiibta, waxaana gantaalkan cusub Turkiga ula baxeen magaca Atmaca.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa shaaciyay in dowladiisa ku guuleesatay tijaabinta gantaalka casriga ah ee Atmaca ee awooda in uu bur buriyo maraakiibta .

Waxa uu sheegay Madaxweyne Erdogan in gantaalkan lagu tijaabiyay Markab la dhigay Badda Madow ee gobolka Sinop, waxaana gantaalka u shaqeeyay sidii loogu tala galay sida uu Madaxweynaha sheegay.

Gantaalkan casriga ah ee bur burin kara maraakiibta nuucyadooda kala duwan waxaa sameesay shirkada Roketsan, waxaana gantaalkan cusub la sheegay inuu jari karo masaafo dhan ilaa 200km (124 meyl).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Waare oo Muqdisho ka bilaabay qorshe cusub & Puntland oo mar kale eedeysay DF

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Wafdi Ka Socda Midowga Yurub Oo maanta Gaaray Jowhar

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo la kulmay Thabit Kombo & Wafdigiisa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---