C/raxmaan Macalin “Wax kasta oo aan si cadaalad ah loo maamulin waxay ku dhammaadaan fashil”

Aqoonyahan C/raxmaan Macalin Xuseen, oo ah musharax xildhibaan baarlamaanka Soomaaliya, una tartamaya kursiga HOP025 ayaa qoraal uu maanta bartiisa facebooka ku soo saaray wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya xaaladda dalku marayo.

C/raxmaan, wuxuu la hadlay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, isaga oo ku booriyay in ay dareenkooda ku muujiyaan go’aannada masiiriga ah ee laga gaarayo mustaqbalkooda & kan ubadkooda, wuxuuna  tilmaamay in dunidda casriga ahi in shacabku yihiin  dowladda dhabta ahi, halka madaxdu ay yihiin shaqaale loo igmaday waajibaad mucayim ah.

“Waxaa nasiib darro ah, in shacabkeenu aysan ku baraarugsaneyn in  iyagu yihiin awooda dhabta ah, oo aysan jirin cid shacabka ku sanduleyn karta wax aysan dooneyn, hasse ahaatee shacabka looga baahan yahay in ay la yimaadaan fikir Qaran oo ka tarjumaya sidii hay’adaha dowladda ay u soo geli lahaayeen dad xilalka loo dhiibaya ku muteystay karti & aqoon, ee aan ku muteysan in ay hebel cod siiyaan ama u guul-wadeeyaan” Ayuu yiri C/raxmaan Macalin Xuseen, wuxuuna intaasi raaciyay in la joogo waqtigii dhalinyaradu ka soo muuqan laheyd fagaarayaasha siyaasadda.

C/raxmaan waxaa kale uu sheegay inuu walaac badan ka qabo in shaqsiyaadka baarlamaanka cusub soo galaya ay noqdaan kuwa lagu soo xulo dano gaar ah oo laga leeyahay, isaga oo ugu baaqay  Guddiyada farsamada ee dhowaan la soo dhammeystiray in ALLE uu kula xisaabtami doono haddii mas’uuliyadii ay ummadda u qaadeen ku dabaqaan danahooda shaqsiga ah.

“Xilalka Qaranku waa meerto, maalin ba qof baa jooga, qofka u soo banbaxa inuu mas’uuliyad ummadeed qaado, isaga ayeey u taal inuu kala doorto in diiwaanka taariikhda baal-dahab ah ka galo  & in uu taariikhda baal mugdi ah ka galo, waxaan u soo joognay dad kuraasta ay ku fadhiyaan ee baarlamaanka  ay lacago fara badan  ku bixiyeen rag mushirixiin ah oo codadkooda doonaya; kuwaas iyaga ah kuma aysan imaan rabitaanka dadka ay metelaadooda sheeganayaan, waxaanu dooneynaa in hab-dhaqanka nuucaas ah uusan mar dambe innagu soo laaban” Ayuu yiri C/raxmaan, wuxuuna intaasi raaciyay in dhalinyarada & guud ahaan waxgaradka kala duwan in ay u istaagaan in ragga & gabdhaha baarlamaanka cusub soo galaya lagu soo xulo hannaan cadaaladeed.

“Wax kasta oo aan si cadaalad ah loo maamulin waxay ku dhammaadaan fashil, 101-da xubnood ee la siiyey awooda doorashada ha ogaadaan in ay jiri doonto maalin la qatan yahay, lana qaawan yahay oo ALLE SWT hortiisa lagula xisaabtami doono” Ayuu yiri C/raxmaan.

C/raxmaan, isaga oo la hadlayay dhalinyarada & waxgaradka beesha 3&9 [saddex iyo sagaal] wuxuu u soo jeediyay in la joogo waqtigii dhalinyarada codkooda la maqli lahaa, loona baahan yahay in lala xisaabtamo kuwa dhowr & 10 sanno ku fadhiya kuraasta baarlamaanka ee ka shaqeynaya dantooda keliya.

“Waxaa jirta xikmad oraneysa [Haweenka aamusnaanta waa lagu mehriyaa] taas oo loola jeedo in  aamusnaantu la macno tahay ogolaansho;  waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada  rag & dumar ba leh ee 3&9 in ay hurdada ka kacaan, kana fikiraan mustaqbalkooda. kuwa baarlamaanka innagu metelayo dhowr & 10-ka sanno ee iyaga oo aan waxba u qaban dadkii ay metelayeen haddana u xusul-duubaya in ay soo laabtaan inaan niraah, naga jooga, haddii se aan mar kale u sacbino waxay ka dhigan tahay in annagu aan xusulada ku sidano xargihii na lagu xiri lahaa” Ayuu yiri C/raxmaan, isaga oo ku baaqay in la joogo xilligii isbeddelka.

“Dalkeenu, wuxuu ka soo  kabaneynaa qaran-jabkii innagu dhacay dal ahaan & dad ahaan intaba. Waddada maanta lagu joogo haddii aan laga dayoobin waxaa muuqato rajo & yididiilo sidii dalkeenu u soo ceshan lahaa sharaftii & karaamadii uu mudnaa, waxaan u baahanahay dad himiladaasi la jaanqaadi kara” Ayuu yiri C/raxmaan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -