Daawo Sawirada: Wafdi Ka Socda Midowga Yurub Oo maanta Gaaray Jowhar

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Kulan Magaalada Jowhar ee xarunta Dowladda Hirshabelle kula qaatay Wafdi sare oo ka socda Midowga Yurub, kuwaasi oo maanta soo gaaray Magaalada, waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta Iyo Taageerada ay ugu baahantahay Midowga Yurub.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehlinyay Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Hirshabelle,  iyo saraakiisha Ciidanka Boliiska, Waxaana Madaxweynaha uu warbixin ka siiyay Wafdiga dadaalada ay ku doonayaan Xaqiijinta ammaanka iyo bilowga Dhismaha Ciidanka Boiiska Hirshabelle oo dhismihiisa ay ka qeyb qaadanayaan Midowga Yurub, waxaana uu carabka ku adkeeyay in muhiim ay tahay in ay iska kaashadaan dardargalinta dhismaha iyo horumarinta ciidanka si ay u xaqiijiyaan ammaanka deegaannada Hirshabelle, sidoo kale waxa uu kaga mahadceliyay Midowga Taageeradooda Soomaaliya gaar ahaan Taageerada ay siinayaan Hirshabelle.

Madaxa Wafdiga Midowga Yurub ee Soo GaarayJowhar  ayaa Madaxweynaha Hirshabelle kaga mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay, waxaana uu ku ammaanay dadaalka uu ugu jira dhismaha iyo horumarinta Hirshabelle, waxaana ka midowga Yurub ahaan uu balanqaaday in ay  ka saacidayaan dhinacyada Ammaanka Dhisida Ciidanka Boliiska Hirshabelle, Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, Caafimaadka waxbarashada, iyo arrimo kale.

Kulanka Kaddib Ayaa Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Waare Iyo Madaxa Wafdiga Midowga Yurub Patrick ayaa dhagax dhigay Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska Hirshabelle ee Magaalada Jowhar kaasi oo lagu tababari doono Ciidamo ay yeelato Hirshabelle, waxaana dhismihiisa uu bilowday isla maanta, waxaana Bisha April uu tababar ugu Furmi doonaa Dufcadii ugu horeysay Ciidanka Boliska Hirshabelle.

Madaxa Midowga Yurub oo dhagax dhiga kaddib hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu yimaado Magaalada Jowhar islamarkaana la kulmo Madaxda Dowladda Hirshabelle, kalana hadlaan dhisida Ciidanka goob joogna uu ka noqdo dhagax dhiga Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska Hirshabelle oo uu rajeynayo in ay ka aflaxaan Ciidamo ka shaqeeya xaqiijinta ammaanka awoodna u yeesha in ay ka hortagaan falalka Amni daro.

“aad bay farxad ii galineysaa Sal u dhigida bilowga dhisida Ciidanka Boliiska Hirshabelle oo kaalin libaax leh ka qaadan doona sugida ammaanka ka hortaga falalka guracan ee Kooxaha Nabad diidka, Midowga Yurub wuxuu xooga saari doonaa taageerada uu siinayo Soomaaliya gaar ahaan Hirshabelle, Madaxweyne Waan kugu boorinayaa kaalinta aad ka qaadaneyso Horumarinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle Guul iyo Horumar ayaan idiin rajeynayaa” Ayuu Yiri Madax Wafdiga Midowga Yurub Patrick.

Sidoo Kale Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa dhankiisa kaga Mahadceliyay Midowga Yurub Dadaalkooda ku aadan horumarinta iyo Garab istaaga Soomaaliya, waxaana ku ammaanay sida ay u garabtaaganyihiin oo ay ka caawinayaan dhismaha ciidanka Boliiska Hirshabelle, isagoo ku tilmaamay dhagax dhiga dugsigani uu ka turjumayo sida ay isugu howlayaan in laga shaqeeyo xaqiijinta iyo sugida ammaanka.

“ Dugsigani Maanta aan dhagax dhignay waxa uu qeyb ka yahay dadaalada aan ku dooneyno horumarinta Dhinacyada ammaanka, Iyo Horumarinta Hirshabelle, waxaana bisha soo socota ee April halkani uu tababar uu ugu furmi doonaa dufcadii ugu horeysay Ciidamo Boliis ah uu yeesho Maamulka Hirshabelle, si ay u hantiyaan Ammaanka kana shaqeeyaan ilaalinta Sharciga Boliiska Waa Saaxiibka Bulshada waxa uu si dhow ula shaqeyn doonaa Bulshada”. Ayuu Hadalkiisa Sii Raaciyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa Mudada Xafiiska uu joogo waxa uu dhagax dhigay ilaa dhowr mashruuc oo lagu horumarinayo Hirshabelle, waxaana dadaal uu ugu jiraa  sal u dhigida Maamulka Dowliga Ah iyo ka hortaga Musuq Maasuqa Baahinta iyo Daadajinta Maamulka Miyi Magaalo, iyo xoreynta Deegaannada Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -