Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Gen. Odawaa oo faahfaahin ka bixiyey weerarkii Ismiidaaminta ee saaka ka dhacay Sh/dhexe

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar ismiidaamin ah oo saaka lagu qaaday saldhig ciidamada dowladu ku leeyihiin degaanka Biyacadde ee gobolka Sh/dhexe.

Al-Shabaab ayaa la sheegay iney saaka gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ku weerareen saldhiga ciidanka xoogga ee degaanka Biyocadde, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh sida wararku nagu soo gaarayaan.

Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa in Ciidamada ku sugnaa saldhigaas ay hayeen xogta weerarkaas kuna jireen foojignaan dheeri ah, taasoo buu yiri u suuragelisay iney ka hortagaan weerarkaas

“Qaraxa waxaa fashiliyey ciidamada xoogga dalka, gaarigana waxaa lagu qarxiyey banaanka hore ee xerada, illaa afar askari oo ka tirsanaa ilaalada saldhigaas ayaa ku dhaawacmay qaraxa” ayuu yiri Gen. Odawaa oo intaas ku daray iney sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Ciidamada Xoogga dalka.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in weerarkaas uu khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ka soo gaaray ciidamadii ku sugnaa saldhigaas, waxaana ka mid ahaa askarta dhaawacu soo gaaray Col. Saney Cabdulle o ka tirsan saraakiisha ciidamada xoogga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/2zS_Mnc8sDI

Related posts

(Sawirro) Muuse Biixi oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey Baarlamanka Somaliland

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyey shirka Golaha wadatashiga & Axmed Madoobe oo..

Caydiid Ali

Gudoomiyaha cusub ee degmada Xamar Weyne oo maanta xilka la wareegay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---