Puntland: “Laga bilaabo berri Farmaajo uma aqoonsanin Madaxweynaha dalka”

Puntland ayaa shaacisay in laga bilaabo maalinta berri oo isniin ah aysan Madaxweyne u aqoonsanayn Farmaajo, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkiisii sharciga ahaa

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde, ayaa sheegay in xukuumadda Puntland ay madaxweyne Farmaajo u aqoonsaneyso mas’uul hore, isla markaana ugu yeeri doonto “Madaxweynihii hore ee dalka“.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay fashilka ku yimid Shirkii Dhuusamareeb, kaasoo natiijo la’aan ku dhammaaday ka dib markii la isku mari waayey qodobo ay ka mid tahay xaalada gobolka Gedo.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde ayaa madaxda dowlad goboleedyada raalli-gelin ka siiyay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ku sheegay in Siciid Deni oo keliya uu qortay Heshiiskii Arrimaha doorashada ee 17-kii September.

“Hadalka Farmaajo ku sheegay in Madaxweyne Saciid Deni uu soo qortay heshiiskii Arrimaha doorashada ee 17-kii September waa mid gef iyo meel ka dhac ku ah madaxda dowlad goboleedyada” ayuu yiri wasiirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -