Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil oo Weerar Jawaab-celin ah ku qaaday Marinka Gaza iyo Wararkii u Dambeeyay

Ciidamada maamulka Israa’iil ayaa weerar culus oo jawaab-celin ah ku qaaday Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin, kaddib weerar madaafiic culus loo adeegsaday oo saakay Xamaas ku qaadeen dhulka Israa’iil maamusho.

Shir deg deg ah oo ay yeesheen madaxda ammaanka maamulka Israa’iil ayaa lagu go’aamiyay in weerar jawaab-celin ah qaadaan ciidamada, waxaana durba ciidamada Israa’iil duqeymo culus iyo weeraro kale ku qaadeen Marinka Gaza.

Ciidamada Israa’iil ayaa duqeymo culus ku garaacaya goobo bartilmaameed u ah oo kuyaalla Marinka Gaza, waxaana goobaha qaar ay duqeymaha ku dhacayaan ku sugan dad shacab ah.

Weerarka Israa’iil ku qaaday dhulka Falastiin ayaa jawaab u ah weeraro loo adeegsaday madaafiic iyo hub kale oo culus oo saakay kooxda Xamaas gaar ahaan garabka hubeysan ku qaadeen dhulka Israa’iil heesato qaarkood.

Khasaaro isugu jira dhimaho iyo dhaawac ayaa ka dhashay labada weerar ee ka kala dhacay dhulka Israa’iil maamusho iyo dhulka Falastiin, waxaana wali socda duqeymo iyo dagaalo ka dhacaya goobaha qaar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo War kasoo saartay xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka Caronavirus

Cabdi Cade

Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay Doonyo iyo Hub sharci daro ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Jaamacadda Benaadir oo daahfurtay Kuliyadda cusub ee Siyaasadda & Xiriirka caalamiga ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---