Madaxtooyada Kenya oo ka Jawaabtay Baadi goobkii loogu jiray Madaxweyne Uhuru 

Baraha bulshada dalka Kenya gaar ahaan Twitterka iyo Facebook ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa qabsaday baadi goob loogu jiray Madaxweynaha dalka Kenya oo maalmo badan aan maqal iyo muuqaalkiisa aan la arag.

Waxaa baraha bulshada lagu baahinayay fariimo lagu baadi goobayay Madaxweynaha Kenya oo warkiisa la waayay waxii ka dambeeyay  23 bishii Apriil xiligaas uu u safray dalka Shiinaha.

Baraha bulshada ayaa lagu faafinaay afgarad ahaa” Aaway Madaxweyne Uhurru iyo Raadiya Uhuru, waxaana ugu dambeyn baadi goobkan ka jawaabtay Madaxtooyada Kenya oo arintan ka hadashay.

Afhayeenka madaxweynaha Kenya Kanze Dena ayaa sheegtay in Madaxweynaha uu joogo uuna wato shaqadiisa, waxa ayna Afhayeenka tilmaantay in layaab ku noqotay Twitterada lagu soo qorayo baadi goobka Madaxweynaha.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa markii ugu dambeesay u safray dalka Shiinaha 23-kii bishii April, waxaana la sheegay in Madaxweynaha Shiinaha u aaday sidii uu u raadin lahaa lacag deyn ah oo lagu dhiso khad tareen oo casri ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -