Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Madaxweynaha Jubbaland oo Awaamiir siiyay Golihiisa Wasiirada (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta oo khamiis ah shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo ah kii ugu horeeyay kadib magacaabistii golaha Xukuumada.

Madaxweynaha ayaa wasiirada cusub kula dardaarmay inay shaqadooda u gutaan sida ugu haboon, iyadoo wasaarad walba ay xooga saarayso shaqada u gaarka ah isla markana ay xoojinayso shaqooyinka kala dhexeeya wasaaradaha kale.

Waxaa Madaxweynahu uu xusay in hufnaanta shaqada ay tahay mid lagu qiimayn doono wasaarad walba isla markana isla xisaabtanka Iyo dabagalka wasaaradaha ay noqon doonan kuwo joogta ah.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in shaqada shacabka loo hayo ay u baahan tahay dulqaad iyo samir, waxaa Madaxweynahu uu hoosta ka xariiqay in qof walba oo katirsan bulshada ay tahay in loogu adeego hanaan hufan oo shaqo wanaag ay ka muuqato

Gaba gabadii waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Xukuumadan cusub ay shaqooyin baaxad leh u yaalan taas oo u baahan dhiiranaan iyo ka go’naasho shaqo.

https://youtu.be/3l7QHomlzcA

Related posts

Sheekh Shariif oo arimo Xasaasi ah ka hadlay Fariina u diray Shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Boqolaal Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay gobolka Gedo, lana wareegay..

Caydiid Ali

Koox Hubeesan oo dad badan ku dhax dishay Gudaha Masjid ay ku dukanayeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---