Boqolaal Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay gobolka Gedo, lana wareegay..

Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaraya boqolaal askari ayaa la xaqiijiyey inay ka soo talaabeen xadka, gudahana u soo galeen gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay la wareegeen Garoonka dayuuradaha degmada Doolow-Soomaaliya, kaasoo ahaa Halbowlaha ay ka dagaan duulimaadyada Gobalka Gedo.

Sidoo kale ciidamada Itoobiya, ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay gobolada Baay, Bakool iyo Hiiraan, waxaana wararku sheegayaan inay qaadayaan howlgal ay ku doonayaan in dhammaan deegaanada Xaduudaha ay lawadagan-Soomaaliya ay kaga fogeeyaan Al-shabaab.

Wafdi kasocda Itoobiya ayaa todobaadkii hore tagay Baladweyne, Hargeisa & Baydhabo iyagoo kala hadlay maamulada degaanadaas ka jira sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amaanka.

Madaxweynaha K/galbeed Laftagareen ayaa maalinkii 2-aad wada hadal la leh madax iyo saraakiil ka tirsan dowkada Itoobiya kaasoo la xiriira iskaashiga dhinaca amaanka.

Al-shabaab ayaa todobaadyadii la soo dhaafay weeraro culus ku qaaday gudahana u galay dowlad degaanka Soomaalida, halkaasoo ay kula dagaalameen ciidamada Liyu Boolis ee ka dhisan degaanka Soomaalida, waxaana dagaalkaas ku naf waayey boqolaal askari oo ka tirsan labada dhinac.

- Advertisement -