Saraakiil katirsan Booliiska AMISOM oo gaaray Garbahaarey iyo Ujeedkooda oo la ogaaday

Waxaa maanta magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo gaaray saraakiil katirsan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM gaar ahaan kuwa booliiska ,waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Gedo iyo saraakiil ciidan.

Saraakiishan ka socotay booliiska AMISOM ayaa magaalada Garbahaarey u tagay qiimeyn xaalada amaanka ee degmadaasi iyo sidoo kale goobaha la filayo in ay ka dhacaan doorashada ee amaankeeda qeyb ka sugayaan booliiska AMISOM.

Sida aan wararka ku heleyno saraakiishan ka socda booliiska AMISOM ayaa kormeer ku sameenaya xarumaha lagu qabanayo doorashada iyo sidoo kale goobaha la qorsheenayo in ay degaan ciidamada Nabad ilalainta magaaladaasi loo geenayo.

Magaalada Garbohaarey ayaa kamid ah magaalooyinka lagu qabanayo doorashada, waxaana magaaladan loogu heshiiyay in la geeyo ciidamo ka socda booliiska AMISOM si ay u sugaan amaanka goobaha dooarshada lagu qabanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -