Tirada dadkii ku dhintay qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho oo sii kordheysa (Sawirro)

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay qarax Ismiidaamin ah oo maanta lala beegsaday iridda hore ee xerada tababarka militariga ee General Dhagabadan ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka socotay qorista ciidan cusub.

Qof is qarxiyay ayaa la sheegay inuu soo dhexgalay dhallinyaro loo diiwaan galiyay ka mid noqoshada ciidanka Soomaaliya.

Tirada dadka ku dhintay qaraxaas ayaa gaartay 21 qof, halka dhaawacuna cagacageynayo 26 kale oo qaarkood xaaladoodu liidato, kuwaasoo haatan lagula tacaalayo isbitaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in dadka dhintay ay dhammaantood ahaayeen dhallinyaro doonayay inay ka mid noqdan ciidanka Soomaaliya.

Sidoo kale qoraal, ka soo baxay safaarada Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu cambaareeyey qaraxaas, iyadoo tacsi loo diray ehelada dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxaas oo ay sheegatay kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -