RW Rooble iyo Danjire Xasan Xamza oo qodobo Muhiim ah ka wada hadlay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamza.

Rooble & Xasan Xamza ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, habsami u socodka mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar oo ay ka hirgelineyso Soomaaliya iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Dowlada Qatar ayaa ka mid ah dalalka sida weyn u taageera Soomaaliya, waxayna dalka qeybo ka mid ah ka wadaa mashaariic kala duwan oo iskugu jira dib u dhis iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Dhinaca kale,Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga qabanqaabada Munaasabadaha Maalmaha Xorriyadda isagoo kula dardaarmay in ay dardar geliyaan howsha loo xilsaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -