Ex-Wasiir Juxa oo si kulul u weeraray Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre

Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa weerar Siyaasadeed oo afka ah ku qaaday ra’iisul wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo socdaal ku maraya degaanada Puntland oo Juxa uu ka soo jeedo

Cabdi Faarax Juxa ayaa wax aan la qaadan karin ku tilmaamay in Kheyre uu Puntland u quuri waayo, sida uu hadalka u dhigay, qaaddo shamiito ah, isagoo ula jeeda inuu diiday dhagax dhigga dekadda Garacad ee Puntland.

Maamulka Puntland ayaa qorsheeyay in goobaha uu booqan doono Ra’iisal wasaare Kheyre ay ka mid noqoto degaanka xeebta Garacad oo Puntland ay in muddo ah ku taameysay inay ka dhisto dekadda, laakiin maamulka iyo dadka Galmudug ay u arkaan mid looga soo horjeedo dadaalka ay ugu jiraan dhismaha dekadda Hobyo.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa joojiyey safarkiisii Garacad culeysyo ka dib culeysyo siyaasadeed oo la sheegay inay ka yimaadeen siyaasiyiinta iyo xildhibaannada Galmudug.

Ex-Wasiir Juxa oo hadalkiisa soo dhigay bartiisa facebook ayaa u qornaa sidan:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -