Allbanaadir.com
NEWS

War deg deg ah: Dowladda Somalia oo war ka soo saartay xariga C/raxmaan C/shakuur Warsame

Dowlada federaalka Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay howlgalkii xalay ciidamada amaanku ka fuliyeen magaalada Muqdisho kaasoo lagu soo xiray C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah siyaasi si weyn u mucaaradsan dowlada.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Soomaaliya Cabdi Casiis Cali Ibraahim Xildhibaan oo goor-dhaw shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada amaanka Soomaaliya ay weerarkaasi fuliyeen Isla markaana ay wateen warqad ruqsad soo qabasho ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxaa u intaa ku daray in C/raxmaan C/shakuur gurigiisa laga hagayey mudooyikan dabino ama qiyaano dowlado Shisheeye la damacsan yihiin Soomaaliya waxaana uu sheegay inay Maxkamad soo taagi doonto Dowladda Soomaaliya.

Shirkaan oo goor-dhaw soo dhamaaday ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay heshay xog dheeraad ah oo ku saabsan in C/raxmaan C/Shakuur Warsame uu lacago ku soo qaatay duminta dowladda Somalia loona dulqaadan doonin arimaha nuucaan oo kale ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nairobi Xoog Xamarna Xisaab: Guuldarrada Isballaarinta Dowlada Kenya !!

Cabdi Cade

Ciyaal Weero dil ka geestay xaafad katirsan Muqdisho iyo Cabsi hor leh oo soo korortay

Cabdi Cade

Ciidamo Soomaali ah oo la geenayo Gobolka Tigrey si dagaalka ugu biiraan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---