Allbanaadir.com
NEWS

Garoonka dayuuradaha ugu mashuulka badan caalamka oo ay mashaqo yaab leh ku habsatay (Daawo Sawirro)

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Hartsfield-Jackson oo ku yaalla magaalada Altanta ee dalka Maraykanka ayay korontadii ka tagtay taasoo sababtay in qayb ahaan la xiro, duulimaadyo badanna dib loo dhigo.

Garoonkan diyaaradaha ayaa ah midka ugu mashquulka badan adduunka oo dhan, waxaana maalinkasta adeegsada 250,000 oo rakaab ah iyo 2,500 oo duulimaad.

Dadkii safrayay ayuu mugdigu haleeyay iyaga oo qaarkood ay garoonka ku dhex jiraan kuwo kalana ay diyaaradaha saaran yihiin.

Diyaarado soo dagi lahaa ayaa garoomo kale loo weeciyay, kuwo kale oo ka duuli lahaana garoonka ayaa lagu sii hayay.

War qoraal ah oo uu garoonku soo saaray ayaa lagu sheegay in ay korontadu go’day Axaddii sagaalka ama saddexda fiidnimo Saacadda geeska Afrika.

Georgia Power oo ah shirkadda korontada siisa garoonka ayaa sheegtay in ay rumaysan yihiin inuu dhibkani ka dhashay dab ka kacay korontada dhulka hoosteeda marta ee garoonka.

Waxay sheegtay in aysan garanaynin waxa sababay dabka, balse ay rajaynayso in ay korontada soo celiyaan saqda dhexe ee Axadda wakhtiga deegaankaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Boqolaal Haween ah oo qaaday Uur Been abuur ah iyo Haweeney ka dambeysay oo la xiray (Sawirro)

admin

Boqortooyada Sacuudiga oo $19 bilyan kusoo iibsanaya diyaarado cusub oo Airbus ah

Cabdi Cade

Gabadhii ugu horreeysay Soomaali ah, oo qareen ka noqotay dalka Nederlands

Caydiid Ali
Taboola Ads ---