Shaqaale maqaayad oo xabsiga la dhigay kadib markii booliis ay siin waayeen cunto bilaash ah

Waxaa xabsiga loo taxaabay 19 qof oo ka howlgaleysay maqaaxi ku taalla dalka Pakistaan kadib markii ay diideen in koox boolis cunto si bilaash ah ku siiyaan toddobaadkii lasoo dhaafay.

Booliska ayaa sabtidii isku harreeyay maqaaxida chain Johnny & Jugnu oo ku taalla magaalada Lahor waxayna xireen Shaqaalahan.

“Ma ahan markii ugu horeeysay aan la kulanno dhacdo noocan ah anaga oo ku sugan maqaaxida” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay maamulka huteelka.

Waxaa shaqada laga joojiyay 9 ka mid ah saraakiisha booliska oo la sheegay inay ku lug lahaayeen dhacdadaas.

Inam Ghani oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in shaqada laga joojiyay raggan.

“Ma jirto cid sharciga sida ay doonto ka yeeli karto, caddaaladda darrada looma dulqaadan doono, dhammaantood tallaabo ayaa laga qaadi doonaa” ayuu yiri sarkaalka.

Qoraal uu bogga Facebook soo dhigay maamulka huteelka Johnny & Jugnu in saraakiisha booliska ay labo maalin ka hor yimaadeen maqaaxida isla markaana ka codsadeen cunto bilaash ah ka hor inta aysan arrintan dhicin.

“Markii loo diiday in la siiyo cunto bilaash ah, arrintaas oo caado ay ka dhigteen raggan, saraakiishii booliska waxay u hanjabeen maamulka maqaaxida, wey baxeen, maalintii dambe ayay yimaadeen, waxay dhibaateeyeen shaqaalaheena” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka maqaaxida.

Maamulka maqaaxida ayaa intaas ku daray “11-ka bishan Juun, qaar kamid ah booliska ayaa yimid maqaaxida, waxay xireen maamulaha iyagoo aanan sheegeyn wax sabab ah, waxay la tageen dhammaan shaqaalaheena”

Markii ay booliska kusoo duuleen maqaaxida, shaqaalaha looma ogolaan inay soo xiraan maqaaxida.

“Waxay inoo diideen in aan soo xirno maqaaxida, xitaa macaamiisha waxay sugayeen dalabkooda, digsiyada ayaa dabka saarnaa”

Shaqaalaha maqaaxida ayaa muddo 7 saacadood ah xirnaa, waxay sheegeen in booliska ay dhibaato u geysteen kadib markii ay siin waayeen cunto bilaash ah.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistaan Cimraan Khan ayaa horraan ku baaqay in isbaddal lagu sameeyo dhaqamada booliska ka howlgala gobolka Punjab, wuxuuna farta ku fiiqay in qaar kamid ah siyaasiyiinta gudaha ay isku dayayaan inay hagaan saldhigyada booliska ee aaggaas

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -