Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Xero Ciidan oo kutaala Muqdisho

Waxaa goordhaw qarax ismiidaamin ah uu fuliyay ruux jirkiisa kusoo xiray waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay Xero lagu tababaro ciidanka milatariga Soomnaaliya oo lagu magacaabo Xero Nacnac.

Xeradan goordhaw qaraxa ismiidaaminta ah uu ka dhacay oo kutaala degmada Wadajir kuna dhaw xerada ciidamada Turkisom ayaa la sheegay in tababar lagu siinayay askar iyo saraakiil kamid noqonayay milatariga Soomaaliya .

Sida aan wararka ku helnay askari kamid ahaa ciidanka tababarka qaadanayay si hoosana uga tirsanaa kooxda Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in uu fuliyay qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay xero Nacnac.

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan ka dhacay xerada tababarada ciidamada ee Nacnac, waxaana goobtaasi gaaray saraakiil iyo ciidamo katirsan dowlada oo baaritaano sameenaya.

Xeradan ayaa horey waxaa uga dhacay qaraxan oo kale uu fuliyay ruux isku soo dhax qariyay askar tababar lagu siinayay xeradaasi, waxaana ku dhintay saraakiil iyo ciidamo badan oo katirsan dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -