Dowlada Soomaaliya iyo Care oo heshiis muhiim ah kala saxiixday (Sawirro)

Wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hey’adda CARE International ayaa kala saxiixday mashruuca wax Bar Carruurta oo ay ka faa’iideysan doonan 57000 oo ah carruurta Soomaaliyeed ee aan aadin (School) waxbarasho.

Wasaaradda waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacaliinta sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hey’adda CARE Internatonal ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday mashruuca loo yaqaano wax bar carruurtaada (Educate your Children), oo ay is ka kaashanayaan wasaaradda Waxbarshada iyo Hay’adda CARE kaasi oo kordhin doona tirada ardayda Soomaaliyeed ee aadaya goobaha waxbarashada lana qorsheeyay in lagu kordhiyo carruurta hadda waxbarata tirro gaareysa 57000 oo arday.

Mashruucaan ayaa waxaa wasaaradda waxbarashada u Saxiixay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacaliinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Caabi Xasan iyo maamulaha mashaariicada waxbarashada, hurumarinta ee Hay’adda CARE International u qaabilsan Soomaaliya mudane Ibraahim Maxamed Nuur, inta uu socodo mashruucaan ayaa waxaa maalgelinaya Educate a child of Qatar Foundation ee Dowladda Qatar oo soo marsiisay hey’adda CARE International.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -