Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Aabaha Qoyska ugu balaaran Dunida oo la shaaciyay in uu geeriyooday (Sawirro)

Dalka Hindiya waxaa ku geeriyooday nin la sheegay in uu ahaa aabaha qoyska ugu balaaran ee Dunida, geerida ninkan ayaana aad looga hadal hayaa baraha bulshada dalka Hindiya iyo Warbaahinta caalamka.

Ziona Chana, oo 76-sano jir ah ayaa geeriyooday habeenkii axada kadib markii uu xanuun lasoo darsay, waxaana ninkan oo caan ka ahaa dalka Hindiya qabay xanuunada Macaanka iyo dhiikar sida dhaqaatiirtu sheegeen.

Ninkan ayaa la sheegay in uu qabay 38-xaas, kuwaa oo u dhalay 89 carruur, waxa ay sidoo kale caruurtiisa sii dhaleen  36 carruur ah, waxaana la tilmaamay in uu ahaa ninka ugu qoyska balaaran dunida inta laga war hayo.

Ziona Qoyskiisa ballaaran ayaa ku noolaa guri ka kooban afar dabaq oo 100 qol leh, sida ay ku warantay warbaahinta mxaliga ah, waxaana gurigan soo jiitay dalxiisayaal badan oo booqasho u tagi jiray.

Related posts

Mareykanka oo min 30-sanno ku xukumay Wasiir hore iyo sargaal Soomaali ah

Cabdi Cade

Toos u Daawo Doorashada Madaxweynaha Puntland ee ka socota magaalada Garawe

Cabdi Cade

Guddoomiye Sacdiya Yaasiin iyo Wafdi la socday oo laga reebay Diyaarad Muqdisho ka qaadi laheyd

Cabdi Cade
Taboola Ads ---