Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Madaxweyne Deni oo la kulmay Wafdi uu hogaaminayay Tim Filip (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hayádda laanqayrta cas ee ICRC oo uu hogaaminayo Madaxa Hay’addaas u qaabilsan Galmudug, Puntland iyo Soomaaliland Tim filip ros.

Wefdigan Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa isku-uduwaha amaanka Goobaha shqada iyo Maaraynta dhibaatooyinka ee Soomaaliya Mr Cyril Juarena iyo madaxa Xafiiska Hayádda ICRC ee Puntland Mr Axmed Siciid.

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Madaxda Hayádda ICRC uga mahadceliyey booqashadooda, wuxuuna kadib ka dhegaystay warbixin ay ka siiyeen halka ay marayaan howlaha gargaar iyo bani’aadanimo ee ay ka wadaan deegaanada Puntland.

Related posts

Toban Wasiir oo laga cabsi qabo in ay toos ugu biiraan Khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Cabdi Cade

Iran oo war cusub kasoo saartay Weerarkii Israa’il ku qaaday xarumo milatari

Cabdi Cade

Dilaa baxsad ku jiray oo lagu qabtay magaalada Muqdisho iyo Booliiska oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---