Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan oo Xiriir cusub yeelanaya (Daawo Sawirada)

Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Amb. Jama Aidid Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa safar shaqo ku tegay Magaalada Baku ee Caasimadda dalka Azerbaijan.

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arimaha dibadda ee dalka Azerbaijan Jeyhun Bayramo, iyagoona ka wada hadlay xiriirka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ku saleysan iskaashi.

Amb. Jama Aidid oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in dhankiisa Wasiir Jeyhun Bayramo uga mahadceliyay soo dhaweynta uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa, isla markaana sheegay in muhiim ay tahay dib u soo celinta xiriirka labada dal.

“Annaguna dhankayaga waxaanu uga mahad celinay sida fiican ee uu noo soo dhoweeyey. Waxaan u gudbinnay fariinta dawladda Soomaaliya ee ku aaddan xidhiidhka labada dal oo ah: Walaaltinimo, is qaddarin iyo iskaashi isu dheelitiran.

Waxaan xusnay xidhiidhka soo jireenka ah ee walaaltinimo iyo dhaqan ee labada dal ka dhexeeya” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Turkiga.

Ugu dambeyn Safiirka Soomaaliya ayaa waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in dib u soo celinta xiriirka ka dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Azerbaijan uu fursad u yahay labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo maanta si aan caadi aheyn loo soo dhaweeyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo Duqeyn khasaaro geestay ka fuliyay Gobolka Gedo

Cabdi Cade

Taliye ciidan oo xilka laga qaaday iyo Al Shabaab oo sabab u aheyd xil ka qaadistaasi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---