Dowlada Eritrea oo Qoraal ka dhan ah Dowlada Mareykanka u dirtay Golaha Amaanka

Dowlada Eritrea ayaa ku eedeesay Xukuumada Washington in ay hurineyso colaada ka aloosan gobolka Tigrey ee Waqooyiga Itoobiya, xili Xukuumada Asmara horey loogu eedeeyay in ciidankeeda xasuuq ka geestay gudaha gobolka Tigrey.

Qoraal uu  wasiirka arrimaha dibadda ee Dowlada Eritrea, Cismaan Saalax, u diray Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayuu ku eedeeyay in dowlada Mareykanka ay hurineyso colaada ka aloosan gobolka Tigrey.

Wasiir Cismaan Saalax qoraalka uu u diray Golaha Amaanka ayuu ku sheegay in dowlada Mareykanka ka shaqeeneyso sii socoshada xasilooni darada iyo colaada gobolka Tigrey, waxa uu sidoo kale sheegay in Mareykanka doonayo in uu bad baadiyo haraadiga TPLF.

Dowlada Eritrea qoraalka ay u dirtay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay loogama hadlin ciidamada dalkaasi ka jooga gobolka Tigrey oo horey loogu eedeeyay in tacadiyo ka dhan ah xaquuqda aadanaha ka geesteen gobolka Tigrey.

Ciidamada milatariga Eritrea oo taageeraya ciidamada federaalka Itoobiya ayaa ka qeyb qaatay dagaalka ka socda gobolka Tigrey, waxaana dowlada Itoobiya qirtay in ciidamada Eritrea soo galeen gobolka Tigrey iyaga oo dagaalka garab ku siinaya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -