Daawo loo isticmaali karo cudurka safmarka ah ee Coronavirus oo la ansixiyay

Hay’adda maareynta cunnadda ee dawooyiinka dalka Mareykanka ee (FDA) ayaa ogolaatay in xaaladaha degdega ah loo isticmaalo daawada remdesivir oo lagu daweeyo feyriska Corona.

Daawadan ayaa waxaa horey loogu isticmaali jiray daawaynta cudurka Ebola ee horey uga dilaacay qaar ka mid ah dalalka Afrika.

Ogolaanshiyahan ayaa waxaa uu macnihiisu yahay in daawadani la dagaalanta feyrisyada imika loo isticmaalo doono bukaanada ay xaaladooda adagtahay ee isbataalada ugu jira xanuunka Covid-19.

Tijaabo dhawaan lagu sameeyay daawadan ayaa muujinaysa in ay gacan ka gaysatay soo yareynta waqtiga uu qofka kaga bogsan karo cudurka Corona.

Balse in daawadan la ogolaado u isticmaalada xaaladaha degdega ah micnaheedu ma aha in si rasmi ah loo ansixiyay, tasasi oo u baahanan doonta qiimeyn heerkeedu sareeyo.

Khubarada ayaa waxay sidoo kale ka digeen in daawadani oo ay sameysay shirkadda Gilead aysan “saamayn badan ku lahayn” coronavirus.

Madaxa shirkadda Gilead Daniel O’Day oo kulan la qaatay madaxwayne Donald Trump ayaa sheegay in ogolaanshiyaha ah in daawadan la isticmaalo ay tahay tallaabadii ugu horeysay oo muhim ah.

Shirkadda ayaa ku deeqi doonta 1.5 milyan oo daawadan ka mid ah, sida uu sheegay Mr O’Day.

Maxay tahay daawada remdesivir?

Madaxwayne Trump ayaa hormuud u ahaa dadkii u ololeynayay is daawadan remdesivir loo isticmaalo daaweynta dadka la xanuunsan Corona.

Tijaabo uu michadka ka hortagga cudurada faafa ee Mareykanka sameeyay ayaa lagu ogaaday in daawada remdesivir ay hoos u dhigtay tirada maalmaha uu qofka kaga soo kabsan karo cudurka oo markii hore ahayd 15, balse imika ah 11 maalmood.

Tijaabadan ayaa lagu sameeyay 1,063 oo qof oo ku jira isbataalo ku yaalla guud ahaan caalamka.

Hasa yeeshee, inkastoo daawada remdesivir laga yaabo in qofka ay ka caawiso dib u soo kabashadiisa ayna suurgal tahay in qofka la siiyo uusan u baahan qolka xaaladaha halista ah ayaa hadana aan la hayn cadeyn muujinaysa in ay ka hortagi karto u dhimashada cudurka coronavirus.

Xigasho BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -