Xaq miyaa in Dowlada Wadada ka xirato Ganacsatada ay Canshuurta ka qaado ?

Siyaasada laga hormarinayo dhaqaalaha iyadoo Amnigii uu dayacanyahay waa dhaqan ay la timid xukuumadda uu hogaamiyo Raysal Wasaare khayre waxay leedahay Waxaa waajib ah inaan soo aruurino Dakhliga canshuuraha goobkasta oo lagu ganacsado.

Waxaa kale oo xukuumadda wanaag  u aragtaa in dadka  Dakhliga laga qaadayo in wadooyinka laga xirto, si nabad galyo u helaan iyagoo aan loo diir naxayn muwaadiniinta.

Madaxda xukumadayda ee Villa Soomaaliya  iyo Hotelada Moqdisho u dhaxeeya  qaarkood  waa in wax laga wadiiyaa dhibaatada dhaqaale  oo ay leedahay wadooyinka oo la xiro, maadamaa ay jireen dad xamaalato ah iyo kuwo leh ganacsi bulaalaya oo macaamiil farabadan ku xeran yihiin, maxaa u soo kordhaya hadii laga xirto wadadii ay ganacsigooda soo marin lahaayeen.

Waxaan falanqeyn tayda farta ku fiiqayaa in Ganacsatada lagu ciqaabayo bixiya canshuurta mana mari kartaan wadooyinka Magaalada in ay tahay dhaqan siyaasadeed guracan oo marnaba faa’ido u laheyn umadda iyo dowladaba.

Nabad galyada caasimada Muqdisho maaha wado la xiro ee nabad galyada waxaa lagu heli karaa Danbiilaha danbiga sameeyey oo la qabto, cadaaladana la hor geeyo.

Horumar iyo nabad galyo ma imaaneyso marnaba  hadii dadkii shacabka ahaa lagu ciqaabo guryihiina jooga, madaxdoodii amarka fulisayna Villa Soomaaliya iyo Hoteelada Muqdisho ku mushaaxayaan,waana mid lawada ogyahay.

Waa in la xal loo helaa siyaasada dhaqaalaha lagu hormarinayo iyo siyaasada nabad galyada lagu dhisikaro iyadoo shacabka laqu ciqaabin wadooyinka oo laga xirto.

Markii la dareemay in dhibaatada wadooyinka oo xiran bisha Ramdaan dhamaad keedii oo ciid la isku diyaarinayo waxaa awood ku furay wadooyinka xiran Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo amaray in wadooyinka xiran si deg deg ah loo furo.

Shacabka Muqdisho ayaa soo dhaweeyay amarka Madaxweynaha iyo furitaanka wadooyinkii xirnaa ee gobalka Banaadir oo dhibaato badan ay ku qabeen.

Figradan anigaa ayaa iska leh waa sidaan u arko in nabad galyada caasimada Moqdisho lagu horumari karo waan ka soo horjeedaa in koox yar oo alshabaaba in cabsi laga qabo in  umadda oo  dhan loo ciqaabo.

W/Q: Danjire: Maxamed Nuur Caalim

Email.caalim68@hotmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -