Ciidamada Xoogga dalka oo degaano cusub kala wareegay Al-Shabaab

Ciidamada Milateriga dowlada Somalia ayaa xoogaga Al-Shabaab kala wareegay degaano hoos taga degmada degmada Garbaaharey ee gobolka Gedo.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka dhacay degaanada kala ah Qalwo iyo Bakaaro oo dhamaantood hoostaga degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Taliyaha ciidamada xasilinta degmada Garbaaharey ee gobolka Gedo Aadan Cabdi Xirsi   oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa in deegaanada hoostaga degmada Garbahaarey  laga fogeeyo Al-Shabaab.

Aadan Cabdi Xirsi   ayaa sheegay in Al-Shabaab ay kala wareegeen gacan ku heynta degaano dhowr oo ay shacabka ku dhibaateyn jireen sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada  xoogga dalka ayaa kordhiyay howlgalada qorsheeysan ee ay ku beegsanayaan Al-shabaab, kaasoo ka socda qeybo ka mid ah gobolada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -